Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa shir jaraa’id oo degdeg ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo faahfaahin ka bixiyey xadgudubyo Dastuuri ah oo uu ku dhaqaaqay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta xeer madaxweyne Wax ka bedel ugu sameeyay Qodob ka mida Dastuurka.
Cabdi Xaashi ayaa shaaciyey in Madaxweynaha uu hor istaagay kulan yeelan lahaayeen labada Aqal ee Baarlamaanka si xeer loogu soo saaro dib u dhigista dhaqangalka Dastuurka KMG ah ee dalka, loona gudbiyo Baarlamaanka 11-aad, kadibna si gaara ugu yeertay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddiyada Doorashada.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa caddeeyay inuu Madaxweyne Farmaajo ku dhaqaaqay saddex Xadgudub oo Dastuuri ah oo kala ah:
1- Is hortaagga xil-gudashada Baarlamaanka Federaalka oo u xil saaran wax ka bedelka Dastuurka soo jeedinta xeerarka.
2- Wuxuu ku xadgudbay kala soocista awoodaha Hay’adaha dowladda ee Madaxtooyada, Fulinta iyo Garsoorka.
3- Iyo inuu Madaxweyne Farmaajo jebiyey, kuna xadgudbay waajibaadkiisa Dastuuriga ah ee ilaalinta sharciga.
Qodobaddan ayaa la sheegay inay ku filan yihiin in Madaxweyne Farmaajo lagu soo oogo Qiyaano-Qaran oo mooshin xilka looga qaado.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA