Kulan ay maanta magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen Baarlamaanka cusub ee Galmudug ayaa lagu shaaciyey inay Berri dhici doonto doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.
Kulanka oo ku saabsanaa nidaaminta iyo habsami u socodka Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ayuu Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal wuxuu ku dhawaaqay in maalinta Berri ee Axadda ah 2-da Febraayo 2019 ay dhici doonto Doorashadii madaxtinimada ee Galmudug.
Xildhibaannada Galmudug ayaa lagu wargeliyey inay inay dhammaantood soo xaadiraan kulanka Berri oo muhiim ah, iyadoo nidaamka doorashada loo sharxay xildhibaannada, waxaana soo dhammaaday kulankii Baarlamaanka Galmudug.