Wafdi uu hogaaminayo Guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shekh C/raxmaan ayaa gelinkii danbe ee maanta gaaray Magaalada Baydhabo, isagoo qeyb ka ah madaxda ka qeyb galeysa caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee K/Galbeee C/casiis Lafta-gareen.
Wafdiga waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Cabdicasiis Lafta Gareen Iyo Gudomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Iyo Mas’uliyin kale, iyadoo uu wafdigan ka horeeyay xubno kale oo uu horkacayey guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka C/weli Muudey.
Waxaa sidoo kale magaalada Baydhaba gaaray madaxweyanah Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi ka socday Puntland oo ay hoggaaminayaan guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi.