Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa shaaciyay in dib loo dhigay furitaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu waday inuu dib u furmo 21-ka bishan Ockoobar.

Qoraal ka soo baxay Guddoomiye Jawaari ayaa lagu ogeysiiyay dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka in Furitaanka Kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka oo qorsheysnaa 21-ka Oktoober 2015 in dib loo gu dhigay 25-ka Oktoobar 2015 si loo dhammeystiro howlaha la xiriira diyaarinta ajendayaasha Kalfadhiga.
Xildhibaannada ayaa laga codsaday inay xil-gudashada uga beegan Kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka ka qeyb qaataan, sidoo kale xubnaha Guddiga joogtada ee Golahana ay ugu dambeyn dalka soo galaan 23-ka Oktoobar 2015 .
Xildhibaano badan ayaa ku kacsan guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana laga cabsi qabaa inuu khalkal soo wajaho kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Wadani.com