Monday, May 12, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo duco ku furay shirka maanta iyo wiil uu dhalay Shariif Xasan oo xildhibaan noqday

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta duco ku furay shirkii Baarlamaanka kadib muddo bil ka badan oo tiro ka saddex jeer lagu guuleysan waayay inuu shaqeeyo baarlamaanka, taasoo ay ugu wacneyd muran ka taagnaa mooshin qaar ka mida xildhibaanda ay ka keeneen Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed.

Kulankan ayaa ku qabsoomaya si caadi ah iyadoo lagu heshiiyay in si sharci ah oo degan lagu wado mooshinka markii heshiis laga gaaray khilaafkii mooshinka ka taagnaa. Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ducadiisa waxaa ka mid ahaa inuu baarlamaanka ugu duceeyay inuu quluubtooda Alle isku soo dumo iyo ducooyin quseeyay inuu garansiiyo xaqa iyo cadaaladda.

Waxaa maanta la dhaariyay xildhibaan cusub oo bedelaya Shariif Xasan Sheekh Aadan, kaasoo ah wiil uu dhalay oo lagu magacaabo C/qaadir Shariif Xasan. in xildhibaannimada la iska dhaxlo ama dad aad isugu dhow ay isku bedelaan ayaa caadi ka ah Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana jira xildhibaanno markii ay jagooyinka ku banneeyeen siyaabo kala duwan wiilashooda ku wareejiyay iyo qaar walaalahood u dhiibtay, kadibna ku soo laabtay.

Ad

Shirka Baarlamaanka ee maanta ka sokow mooshinka waxaa kaloo horyaalla laba mooshin kale qeybintood iyo sharci, waxaana kusoo biiray ilaa afar xildhibaan oo dibadda ku maqnaa, kuwaasoo kasoo qeybgalay kulankii maanta.

Shirka ayaa kusoo dhammaaday iyadoo la qeybiyay mooshinka laga keenay Ra”’iisal wasaaraha, Miisaaniyadda dowladda, waxaana guddoonku soo gabagabeeyay isagoo sheegay in dooda mooshinka bilaaban doono maalinta Khamiista ah.

 

- Advertisement -

Gooobjooge.com
Muqdisho-Somalia

 

[ad name=”HTML”]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON