Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa diiday inuu ka qeybgalo shirka Madasha Qaran ee magaalada Kismaayo ka furmaya ee looga hadlayo qaabka doorashada dalka.
Prof. Jawaari oo dhowaanahan ku kacsanaa madaxda maamulada dalka, isla markaana shirkii ugu dambeeyay ee madasha Qaran ka jeediyay khudbad kulul kana digay in lagu tunto Dastuurka dalka ayaa ka baaqsaday socdaalkiisii magaalada Kismaayo isagoo ka mida madaxda shirkaasi.
Arrintan ayaa ka dambeysay socdaal uu guddoomiyaha Baarlamaanka dhowaan ku tegay magaalada Dhuusamareeb oo ay cambaareeyeen madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Jubba, taasoo xaalada uga sii dartay, wuxuuna Prof. Jawaari ka biyo diiday inuu Kismaayo marti ugu noqdo maamul u aqoonsan inuu qas-wade yahay.
Waanwaan lagu doonayo in guddoomiye Jawaari ayaa ka socota Muqdisho, waxaana madaxweynaha Xasan Sheekh oo dib u dhigay socdaalkiisii magaalada Kismaayo si uu u qanciyo Prof. Jawaari.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa aaminsan in muddo kordhin loo sameeyo Baarlamaanka hadda jira oo la siiyo muddo 2-3 sano ah, lana soo doorto madaxweyne iyo xukuumad cusub si loo dhameystiro sharciyada dalka loona gaaro doorasho guud. Arrintan ayaa si weyn uga hor yimid madaxda maamulada dalka iyo madaxweyne Xasan Sheekh.
Wadani.com