Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa soo saaray qoraal loogu yeerayo inay Baarlamaanka hor yimaadaan laba wasiir, afar taiiye iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Ujeedka loogu yeeray wasirada Amniga, Gaashaandhiggga, iyo taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida sida Milateriga, Booliska, Asluubta, NISA iyo Duqa Muqdisho ayaa wax laga weydiinayaa xaaladda amniga dalka iyo gaar ahaan magaalada Muqdisho oo muddooyinkii danbe kasii daray.
Qoraalka oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheeekh ayaa lagu ogeysiiyay Ra’iisul Wasaaraha, waana markii ugu horeysay ee ee loo wada yeero dhammaan taliyeyasha ciidamada, laakiin NISA ayaan lahayn taliye, waxaana kusime ahaan u maamula agaasime xigeenka Fahad Yaasiin muddo lix bilood ka badan.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA

