Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku hanjabay inuu kala shaandheyn doono hay’adaha fara badan ee ku howlan dib u eegista Dasturka KMG ah ee Soomaaliya.
Isagoo ka hadleyay kulan uu shir guddoomiyey oo ay yeesheen Gudiga Joogtada ee Baarlamaanka ayuu kusimaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha Baarlamaanka wuxuu caddeeyay inay la xisaabtami doonaan Hay’adaha ka Shaqeeya dib u eegista Dastuurka Soomaali iyo ajnabi, lana kala caddeyn doono shaqadooda.
Guddoomiye Mursal ayaa ballanqaaday inay soo diyaariyaan Liiska Hay’adaha ka Shaqeeya dib u eegista dastuurka ee isugu jira kuwa Caalamiga ah iyo kuwa Gudaha dalka ee kala duwan, lana qiimeyn doono waxqabadkooda oo aysan jiri doonin in la isku dhuunto, iyadoo xukuumaddana weydiin doono wixii laga rabay dhinacooda.
Kulankan Oo Uu Shir Gudoominayay Ku Simaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shekh Ayaa Waxaa Ay Gudiga Joogtada Warbixino Iyo Faafaahinno Ka Dhageysteen Gudiyadda Kala Ah, Gudiga Dib U Eegista iyo La socodka Hirgelinta Dastuurka Ee Barlamaanka Iyo Gudiga Madaxa Banaan Ee Dastuurka Qaranka Soomaaliya
DHAGEYSO