Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane C/raxman Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa soo saaray amar kale oo lagu joojinayo dhul dan guud ah oo dhisme ku socday.
Guddoomiye Yariisow ayaa amar ku bixiyey in la joojiyo Dhismaha ka socda Dhulka kasoo horjeeda Dekadda magaalada Muqdisho, dhulkaasoo oo ka mida dhulal hore loo bixiyey, waana amarkii labaad ee dhul joojin ah oo uu soo saaro Guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir.
Eng. Yarisow ayaa warqad rasmi ah ku joojiyey dhismaha ka socda dhulka ka soo horjeeda Dekedda magaalada Muqdisho ee degmada Xamar-Jabab, kadib markii uu warbixin ka dhageystay waaxda dhul bixinta ee gobolka Benaadir. Waxuuna ku wargeliyey Hay’adaha ay khusayso joojinta hawlaha dhismaha, isagoo tilmaamay in aan loo dulqaadan karin in dhismayaal sharci darro ah laga sameeyo dhulalka danta guud.
Duqa Muqdisho ayaa faray maamulka degmada Xamar jajab inay gacanta ku hayaan dhulkan uu dhismuhu ka socday, waxana hay’adaha ammaanka iyagana lagu wargeliyey inay tallaabo ka qaadaan cid walba oo isku dayda dhismaha dhulkan.
“Cid walba oo isku dayda in dhulka danta guud ay dhismeyaal sharci darro ah ka sameyso tallaabo ayaan ka qaadi doonaa, joojinta dhismaha ka socda dhulka danta guud ee ka soo horjeeda dekedda magaalada Muqdisho waa tallaabo aan uga golleenahay in dib loogu soo celiyo gacanta dawladda dhulalka danta ee ka maqan”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.
Guddoomiye ayaa ciidamada amniga Gobolka Banaadir amar ku siiyay inay fuliyaan amarka joojiyaan Dhismaha dhulkaas oo uu sheegay inay gacanta kusii heyn doonaan Maamulka degmada Xamar Jajab.