Guddoomiyaha cusuub ee Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdiso Cumar Maxamud Maxamed (Finish) ayaa maanta ku shaqo bilaabay xarunta Gobolka kadib markii uu xilka la wareegay 29-kii bishan.
Howshii ugu horeysay ee Guddoomiyaha ayaa noqotay inuu xafiiskiisa kulan isugu yeero ku xigeennadiisa iyo xoghayaha guud ee Gobolka banaadir, waxaana kulanka kasoo qeyb galay ku xigeenka Maamullada iyo maaliyadda, ku xigeenka ee siyaasadda iyo Amniga iyo ku-xigeenka Howlaha Guud, waxaana ku wehliyey Xogahaya Gobolka.
Kulanka ayaa looga hadaly sidii loo dardar gelin lahaa howlaha Dowlada Hoose Xamar, wada shaqeynta maamulka iyo sidii isla xisaabtan dhab ah looga dhex sameyn lahaa Maamulka Gobolka Banaadir oo mugdi badan ka jiro sida loo maamulo dhaqaalaha soo gala.
Cumar Maxamed Maxamuud (Finish) ayaa xilkan ayaa xarunta gobolka la tegay ciidamo gaara oo ilaalo u ah iyo xubno hab maamuuskiisa qaabilsan oo xaalad cusub kusoo kordhiyey xarunta.
