Wararka laga helayo degaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo ayaa sheegayaa in guddoomiyihii degaankaasi C/rashiid Qoorleex uu ku dhaawacmay qarax ka dhacay Gurigiisa oo la dhigay hoygiisa.
Dadka Degaanka ayaa sheegay in guddoomiyuhu uu kusoo laabtay gurigiisa isagoo shaqo ku maqnaa, wuxuuna la kulmay qaraxan guriga loogu sii diyaariyay. Dhaawaca Guddoomiyaha degaanka Ceelcade ayaa lagu sheegay inuusan ahayn mid culus.
Degaanka Ceelcade ayaa shabaab la sheegay inay kaabiga ku hayaan, waxaana loo maleynayaa inay qaraxani soo maleegeen sida dadka degaanka ay ku waramayaan.
Wadani.com
[ad name=”HTML-7″]