Wararka naga soo gaaraya Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday Kolonyo Gaadiid.
Kolonyadan ayaa la sheegay inuu la socday Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cabdulle Fiidow, waxaana Weerarka ku dhaawacmay Saddex Ruux oo uu Guddoomiye Fiidow ka mid yahay.
Wafdiga Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi ayaa ka baxay Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle,waxaana ay ku sii jeedeen Magaalada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Al-shabaab ayaa Weerar jidgal ah u dhigtay Wafdiga, waxaana halkaas ka dhacay Dagaal mudo socday oo dhexmaray Al-shabaab iyo Ciidamo la socday Wafdiga la weeraray.
Dhaawaca Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi ayaa waxaa loo qaaday Isbitaal Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin Degmada Jalalaqsi, si dhaawaciisa halkaasi loogu dabiibo.
Sidoo kale weerarka lagu qaaday Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi ayaa waxaa ku dhintay Hal Askari, halka Saddex Askari oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay Risaala u sheegeen Dadka Degaanka.
Wadani.com