Mudanayaasha Golaha Degaanka magaalada Gaalkacyo ayaa doortay Duqa cusub ee Degmadaasi, kadib doorasho galabta halkaasi ka dhacday.
Golaha wakiilada magaalada Gaalaacyo qeybta Puntland ayaa u doortay Saahid Maxamuud Cali Xaaji inuu noqdo Duqa cusub ee magaaladaasi, iyado uu xilka kula tartamay musharax kale.
Duqa cusub ee la doortay Saahid Sayn ayaa helay 23-cod, halka murashixii la tartamay ee Cabdiqani Diiriye Dhega-weyne uu helay 7-cod, waxaana xumaaday hal cod.
Golaha degaanka Gaalkacyo oo ka kooban 31 xubnood ayaa codkooda u dhiibtay si qarsoodi ah, iyadoo kadib la dooranayo guddoomiye kuxigeenada degmada Gaalkacyo.