Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Heer Federaal ee FEIT Muuse Geelle ayaa maanta aaray Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland.
Guddoomiyaha oo ay la socdeeb ku-xigeenka guddiga Mowliid Mattaan iyo labo xubnood oo kale oo ka tirsan guddiga FEIT ayaa lagu soo dhoweeyay Garoobka diyaaraha ee Magaalada, waxaana la sheegay in socdaalkoodu la xiriiro Doorashada 16-ka Kursi ee u harsan Gobolka Gedo oo lagu qabanayo Ceelwaaq.
Wafdiga Guddiga FEIT ayaa ku sii jeeda degmada Ceelwaaq oo loo wareejiyey in lagu qabto Doorashada 16-ka kursi ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.
Dhinaca kale waxaa magaalada Kismaayo lagu qaban doonaa Berri Doorashada kursiga HOP#079 oo xildhibaankii kusoo baxay uu ku geeriyooday magaalada Nairobi, isagoo aan la dhaarin.
