Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Thaabic Cabdi Maxamed ayaa ku dhawaaqay in magaalada Muqdisho lagu qabanayo shirweyne looga hadlayo amniga magaalada Muqdisho.
Isagoo ka hadlayay kulan lagu daah furay Barnaamijka Deriseynta Degmooyinka Gobolka oo ka dhacay degmada Kaxda ayuu sheegay in 7-da Janaayo ee sanadka 2018-ka ay qaban doonaan shirweyne uu ugu magac daray Wadatashiga, Nabadeenta iyo Horumarinta Gobolka Banaadir.
Guddoomoiye Taabit ayaa sheegay in shirkaasi looga wada hadli doono sidii loo gaari lahaa Nabad Gobolka Banaadir ka dhacda iyo sidii xal loogu heli lahaa xaaladda caasimadda ee dhinaca amniga, iyadoo shirka ay ka qeyb geli doonaan dad ehel u ah arrintaan.
Wuxuu kaloo ka hadlay qorshaha maamulkiisa ee aadan soo celinta Cadaaladda si meesha looga saaro musuqmaasuqa, wuxuuna shacabka Muqdisho ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Maamulka, una gudbiyaan dadka ay ka cabanayaan, isagoona ballanqaaday inay tallaabo degdeg ah ay ka qaadi doonaan dadkaasi haddii uu warkooda gaaro.