Guddoomiyaha G/Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Axme ayaa deeq caafimaad oo dalka dibaddiisa ah u fidiyay gabadhii uu waxyeelada u geystay askari ka tirsan ciidamada Puntland.
Faaisa Cabdi Xaye ayaa maanta laga dhoofieyay Garoonka magaalada Muqdisho, iyadoo ay raaceen labadeeda waalid, waxaana lagu wadaa in xaaladeeda caafimaad lagula tacaali doono isbitaal ku yaalla dalka Turkiga, iyadoo uu kharashka bixinayo guddoomiyaha G/Banaadir.
Waxaa Faa’isa ay qabtay dhaawac qeybta hoose ee jirkeeda oo uu xabad kaga dhuftay Askari ka tirsan Ciidanka Puntland kadib markii uu isku dayay in uu kufsado, kaasoo hadda ku jira gacanta maamulka Puntland.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Faa’iza ay dib u dhacday markii ay xiligaan soo gaartay, balse uu rajeynayo in la geyn doono Isbitaalka ugu wanaagsan ee Turkiga, dadkana wuxuu ugu baaqay inay u soo duceeyaan.
DHAGEYSO GUDDOOMIYE THAABIT