Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Axmed ayay ku qaadatay muddo ka badan 24 saacadood inuu war ka soo saaro weerarkii Pizza Hotel ee dadka badan lagu dilay.
Guddoomiye Taabit ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay farriin tacsi ah oo ku saabsan weerarkii Alshabaab ku qaadeen baararka Pizza House iyo Posh Treats, wuxuuna bogaadiyay doorkii ciidamada.
“Allaha unaxariisto intii xalay gacan ka xaqdaran dishay. Dhalinyaro Afur u fadhisay oo aan dembi laheyn ayay u badnaayeen…Â Waxaan mahad-badan u jeedinaa laamaha amaanka oo naftooda u huray in ay badbaadiyaan umadda Soomaaliyeed..” ayuu farriintiisa ku yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maxamed C/llaahi Farmaajo oo olole badan looga furay baraha bulshada oo lagu eedeeyay inuusan ka hadlin qaraxyada iyo dadka lagu laayo magaalada Muqdisho ayaa farriin cod ah soo duubay shalay, laakiin xalay xilli dambe ayay ahayd markii warkii ugu horeeyay ee weerarka uu ka soo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo mas’uuliyadiisa ugu weyni tahay ammaanka dadka caasimadda ku nool.
Wadani