Qoraal caawa kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Axmed ayaa lagu shaaciyay in lacag la’aan laga dhigay gelidda Beerta Nabadda.
Qoraalka oo uu shaaciyay afhayeenka Gobolka ayaa lagu sheegay in dadka Muqdisho ay si lacag la’aan ah ku geli karaan xarunta Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho laga bilaabo berrito oo ku beegan 8-da July.
Wararka ayaa sheegaya in go’aankan caawa soo baxay uu yimid kadib markii ay burburtay  waanwaan u socotay ganacsatada maalgashatay Beerta nabadda iyo maamulka Gobolka Banaadir.
Warar ku dhow Ganacsatada Soomaaliyeed ee Beerta Nabadda maalgashatay ayaa sheegay inaysan waxba kala socon amarka guddoomiyaha Gobolka, isla markaana ay ku socon doonaan sidii hore.
Guddoomiye ayaa u soo saaray amar uu wadadda Maka Almukarama uga mamnuucay gaadiidka AMISOM, kaasoo socon waayay, laakiin waa markii ugu horeysay ee uu faragelin ku sameeyo dhul uu Maamulka Gobolka Banaadir heshiis kiro ah ugu wareejiyay ganacsato Soomaaliyeed.
Jardiinooyinka Gobolka Banaadir ee faraha badnaa ayaa maamuladii isaga danbeeyay Gobolka Banaadir ka iibiyeen ganacsato iyo shaqsiyaad, kuwaasoo loo bedelay kaalimo shidaal iyo xarumo ganacsi.
Wadani