Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa dib u sixid ku sameeyay magaca gobolka Banaadir ee uu dhowaan maamulkiisa la wareegay.
Wareego ka soo baxday agaasimaha xafiiska Guddoomiyaha Maxamed Gacal Muudeey ayaa lagu sheegay in Guddoomiyuhu amar ku bixiyay in magaca gobolka loo qoro “Benaadir”, taasoo ahayd sidii saxda ahayd ee hore loo qori jiray.
Waaxyada kala duwan ee dowladda hoose Xamar ayaa la faray inay magaca ‘Benaadir’ adeegsadaan kuna shaqeeyaan. Dad badan oo aan taariikhd Gobolka Banaadir soo gaarin ama xog badan ka heynin ayaa la yaabay kala bedelka xarfaha ee uu la yimid Gudoomiyaha cusub.
HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA & MIDA KA MIDA MARCO BOLLO BENAADIR LAGA ADEEGSAN JIRAY HORAANTII QARNIGII 19AAD.