Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ku sugan Dalka Turkiga ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamman Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan eheladii,qaraabadii iyo asxaabtii ay Ka geeriyoodeen shacabkii KooxdaAlshabaab alay ku qarxiyeen Agagaarka Hotelka SYL iyo Beerta Nabadda.
“Innaa Lillaahi Waa Innaa Ileyhi Raajicuun, Waxay ahaayeen Dad shacab ah oo ay Ku Jiraan Hooyooyinka Ka Shaqeeya Nadaafadda waxaana Dishay Gacan Ka Xaqdaran Allaha U Naxariisto Ayuu Yiri Gudoomiye Madaale”
Ugu Dambeyntii Guddoomiyaha gobolka benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ilah Uga Baryey in Shacabkaas Soomaaliyeed oo Aan Waxba Galabsan uu Janadiisa fardowso ka waraabiyo.
Wadani.com