Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa bilaabay inuu bixiyo dhul muran ka taagnaa oo ka soo horjeeda garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Cad dhul ah oo ka mida dhulkaasi ayaa maanta lagu dhawaaqay in la gudoonsiiyey Guddiga madaxa banana ee Doorashooyinka Qaranka oo ay madaxda u tahay Xaliimo Yarey, kuwaasoo la sheegay inay ku shaqeeyaan Madaxtooyada.
Dhulka Guddiga la siiyay ayaa gaaraya 1,680 Mitir (kun lix boqol iyo sideedan Mitir). Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, oo halkaasi kahadlay ayaa sheegay in dhulkaan ay bixisay dowladda hoose, islamarkaana ay ku shaqeyn doonaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka.
Guddoomiyaha guddiga Doorashooyinka Xaliimo Yarey ay caddeysay in guddiga uu dhisan doono dhulka la siiyay ayna dhismaha dhulkaasi maalgelin dooonaan UN-ka iyo Japan.
Dhulkan oo xiligii uu Guddoomiyaha ka ahaa Gobolka Banadir Tarsan laga burburiyay dadweyne deganaa ayaa muran ka dhashay kadib markii maamulkii Muungaab uu siiyay madax ka tirsan dowladda Federaalka, waxaana ka taagan dacwad ku saabsan dadkii laga kiciyay.
Wadani.com