Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo Farriinta Sanadka Cusub ee 2018 [Akhriso]

    Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo Farriinta Sanadka Cusub ee 2018 [Akhriso]

    January 2, 20186 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Anigoo ku hadlaya magaca maamulka gobolka Benaadir iyo dowladda hoose ee Muqdisho, waxaan dhammaan ummaada Soomaaliyeed ee dunida dacalladeeda kala jooga, Muqdishaawiyiinta, Saaxiibadeenna gobolka iyo bah-wadaagteenna horomarineed u rajenayaa farxadda sanadka cusub, waxaana Illaah ka baryayaa in sanadkan uu inoo noqdo mid barwaaqaysan.

    Haddii aan dib u milicsano sanadkii la soo dhaafay ee 2017kii, dhammaanteen waxaan marqaati ka nahay in uu ahaa sanad xanuun iyo caqabada badan, balse waxaan qaadnay tallaabooyin waxgal ah.

    Soomaaliya waxa ka dhacay weerarkii ugu xumaa oo lala beegsaday Muqdisho oo hooy u ah ku dhawaad saddex milyan oo qof. Xasuuqii 14kii Oktoober aad ayuu u murugo iyo xanuun badnaa, weerarka ma uusan saameynin dadka reer Muqdisho oo kaliya ee waxa uu saameeyay dhammaan Soomaalida dunida dacalladeeda kala jooga. Dareenka iyo taageerada aan ka helnay walaalaheenna iyo saaxiibadeenna iyo bahwadaagteenna caalamka, waxa uu ahaa mid aan horay loo arag. Gurmadkan waxa uu ahaa tusaalaha midnimada aan la loodin karin, gaar ahaan xilligii adkaa ee naxdin iyo murugada badnaa.

    Sidaas darted, waxaan barannay dadkana tusnay in midnimadu tahay furaha guusha wax walbo oo aan ku guuleysannay. Midnimadaas ayaan ugu shaqeynay si wadajir ah iyada oo hal-beeg u noqotay wixii aan qabannay 2017kii. Waxaan dib u haabeeynay wixii horay loo beddeli waayay, waxaan bixinnay adeegyada ay dadka reer Muqdisho u baahnaayeen.

    Waxaan abuurnay dhaqanka daah-furnaanta innaga oo ka hortageyna maamul xumida iyo musuq maasuqa, waxaan dib u habeeynay maamulka maaliyadda oo ay kamid tahay nidaamka casriga ah ee aan warqadaha la isticmaaleynin oo si degdeg ah ay macaamiishu u heli karaan kaas oo ka mid ah adeygyada laga hirgeliyo Soomaaliya. Inaga oo shaqaaleeysiinnay kuwii u qalmay waliba si loo simanyahay. Waxaan diiradda saarnay maamul wanaag iyo la dagaallanka maamul xumida. Waxaa hubaal ah in uu saameyn ku leeyahay kobcinta dhaqaalaha wadankeena iyo baahinta adeegyada ay bulsahdeenna u baahan tahay.

    Maamul xumida waxay carqaladeeysaa dhammaan dadaallada bulshada loogu daneeyo, sidaa darteed qof walba waxaa waajib ku ah inuu taageero daah-furnaanta, la dagaallanka maamul xumida, iyo ka faa’ideysiga awoodda oo carqaladeeya horumarka wadankeena.

    Aniga oo ilaalinaya ballantii aan qaaday, waxaan markii ugu horreeysay ilaa 1991kii aan dejinnay miisaaniyad sanad barkii ah oo faahfaahsan laguna kalsoonaan karo oo lixdii bilood ee ugu dambeysay sanadka 2017ka aan hirgelinnay, taas oo maamulkeenna ka dhigeysa mid isku filan oo awooda inuu bixiyo adeegyada bulsho ee laga rajeeynayo, sidoo kale waxaan suurtagelinnay maalgelinta nidaamka cusub ee maamulka xogta maaliyadeed si loo hagaajiyo nidaamka dhaqaale ee maamulka, waxaana u diyaarsannahay inaan ku shaqeeyno nidaam daah-furan oo ay nagula xisaabtami karaan dadka aan u adeegeeyno.

    Shaqaaleysiintu waa arrin muhiim u ah bulsahdeenna oo tiro ahaan koreysa, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo ay ku noolyihiin tirada ugu badan ee dhallinyarada. Innaga oo ka jawaabeeyna shaqola’aanta dhallinyaradda, maamulkeygu waxa uu fursado shaqo u abuuray 3,000 oo dhallinyara ah oo ay ku jiraan wiilal iyo gabdho barakacayaal ah. Waxaan rumeeysannahay in ay jiraan dad fara badan oo hal abuur leh una qalmo shaqo in ay gobolkan ku nool yihiin, sidaa awgeed maamulka waxa uu ku soo daray barnaamijyada shaqo abuurka dhalinyaro sameynaayo kor u qaadista awooddeena shaqaalaha, waxaana rajeyneynaa inaan joogteyno barnaamijyada fursadaha shaqo lagu abuurayo sanadkan cusub.

    Hore u socod:

    Sanadka 2018, waxaan daadajaneynaa qaab-helista adeegyada bulsho iyada oo dadka ku nool 17ka degmo ee gobolka ay ku heli doonaan nidaam casri ah, waxa uuna qeyb ka yahay hagaajinta nidaamka bixinta adeegyada ee aan ku xirneyn xarunta dhexe oo kaliya. Adeegyada ay ka mid yihiin; kaararka aqoonsiga shakhsiyadeed, dhalashooyinka, shattiyada, fasaxyada dhismayaasha iyo adeegyada kale ayaa la gaarsiinayaa dhammaan 17ka degmo ee gobolka Benaadir waliba iyaga oo tayo sare leh si degdeg ahna loo heli karo.

    Argtideenna fog waxa ay diiradda saareysaa joogteynta inaan dadka gaarsiinno adeegyadda bulshada innaga oo hormarineyna tayada howsha dowladda hoose, waa na sii joogteyneynana sanadkan cusub. Dhinacyada adeegyadaas muhiimka ah ee aan ku dadaaleyno inaan gaarsiinno 17ka degmo waxaa kamid ah:

    Hagaajinta ammaanka iyo qeybaaha caddaaladda.
    Dhiirigelinta dakhliga.
    Dhisidda awooda hay’adaha dowladda hoose iyo maamulka gobolka.
    Maalgashiga kaabayaasha horumarka (waddooyinka, biyaha, tubbooyinka qashinka qaada IWM).
    Hurumarinta iyo ballaarinta adeegyada bulsho sida waxbarasho iyo caafimaad lacag la’aan ah.
    Waxa ugu weyn ee aan diiradda saareyno 2018 waa in ammaan iyo caddaalad ay ehlaan bulshadda ku nool gobolka Benaadir, waxaana fahansannahay in horumarku uusan arrin siyaasadeed ahayn balse uu ku xiran yahay ammaanka iyo caddaaladda. Maamulkeygu waxa uu si adag ugu shaqeynayaa bulshada magaaladan iyo gobolkaan innaga oo horseedeeyna aasaaska hormurka. Qorshayaasha aan dejinnay waxa uu diiradda saarayaa nidaamka deriseynta si looga faa’ideysto sugidda ammaanka.

    Sida aad ogtihiinba, waxaan dhammeystirnay wada tashiyo aan ka qabannay 17ka degmo oo ku aaddan aragtida Muqdisho iyo gobolka Benaadir. Waxaan diyaar u nahay inaan dadka la wadaagno wadatashiga ka soo baxay 17ka degmo oo loo yaqaan “Aragti-wadaaga Muqdishaawiga”, waxaana ku soo bandhigeynaa waxyaabaha ka soo baxay shirka 7da Janaayo oo aan rajeyneyno in ay ka soo qeyb galaan bulshada qeybaheeda kala duwan si ay qeyb uga noqdaan go’aannada muhiimka ah.

    Iskama indha tireyno in ay na horyaalaan caqabado, balse inaan feejignaanno oo aan mideysnaano ayaan ku wajahi karnaa caqabad walba oo na soo food saarto mustaqbalka dhow, innaga oo is wada kaashaneyna.

    Waxaan u mahad celinayaa dhammaan dadka ku nool magaaladda, Ganacsatada iyo dhammaan bah-wadaagteenna iyo cid walba oo Muqdisho ay hooy u tahay. Dhamaan qeybaha bulshada waxaan ugu baaqayaa in ay sii wadaan howsha adag ee ay bulshada u hayaan si aan u noqonno garbaha hurumarka. Waa inaan horseednaa tilmaamta is bedelka aan raadineyno si aan ugu bedelno bulshada caddaalad, sinnaan iyo guulo aan wadajir u gaarno. Joogteynta huromurka ayaa ku imaan kara wada shaqeyn iyo midnimo si aan u gaarno nabad waarta.

    Gebogabada, waxaan rabaa inaan u sheego bulshada gobolka Benaadir in ay ogaadaan maamulkeenna iyo howl-wadeennadeena in ay mar walba idiin heellan yihiin, haddii aad u baahataanna aad marwalba nala soo xiriiri kartaan heer degmo iyo heer gobolba, innaga oo aan wada xallin karin dhammaan dhibaatooyinkiinna haddana waxaan isku dayeynaa wax walba oo aan awoodno si aan u qabano wax wanaagsan oo la taaban karo. Waxaan rajeynayaa inaan horay u soconno sanadkan anigoo ku faraxsan inaan idiin adeego. Aniga oo fursaddaan ka faa’ideysanayo waxaan idiin rajeynayaa sanadka 2018 caafimaad, nabad iyo baraare.

    Thaabit Cabdi Maxamed
    Duqa Mudisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Benaadir

    Banaadir Farriinta Taabit Gobolka Banaadir Muqdisho Taabit
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFaahfaahin ku saabsan Toogasho Caawa ka dhacday Magaalada Muqdisho
    Next Article Madaxweyne Trump oo Sanadka 2018 ku bilaabay weerar afka oo uu ku qaaday Pakistan & Jawaab la siiyey

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo