Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan  Afrax  ayaa soo saaray wareegto ku saabsan shir ka furmaya magaalada B/weyne oo ay wadaan xubno isugu jira Qurba-joog, xildhibaano iyo odayaal ka soo jeeda gobolka oo doonaya in Gobolka Hiiraan loo sameeyo maamul u gaara oo KMG ah, waxayna ku doodayaan inay Hiiraan ka kooban tahay laba gobol oo kala ah Hiiraan iyo Shabeelada Sare.
[ad name=”HTML-1″]
Wareegtada kasoo baxday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayuu ku sheegay in  Shirka ka furmaya B/weyne uu yahay shir dib u heshiisiin ah oo beelaha Gobolka dega lagu heshiisiinayo kuwooda wax kala tabanaya, shirkuna inuu hogaamin doono isagoo ah guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo uu metelayo madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, kadib markii uu xiriir la sameeyay una wakiisheen isaga. Wuxuu intaas ku daray in shirku furmi doono 1-da Bisha May 2015.
Wareegtada kasoo baxday guddoomiyaha Gobolka Hiiraan  iyo warka uu soo saaray ayaa warbaahinta qaranka muddo kooban ku jirtay, iyadoo kadibna laga saaray sababo aan la garaneyn dartood, waxaana wararku sheegayaan inuu khilaaf ba’an ka dhex jiro siyaasiyiinta iyo odayaasha beesha uu guddoomiyaha ka soo jeedo oo ku kala qeybsan dadaalka ka socda magaalada Beledweyne.
WAREEGTADA HOOS KA AKHRI
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]
[ad name=”HTML-2″]