Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Dhaqaalaha»Ganacsiga»Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo heshiis la saxiixday shirkad Masaari ah (Sidee ku dhacday?)

    Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo heshiis la saxiixday shirkad Masaari ah (Sidee ku dhacday?)

    September 29, 20152 Mins Read Ganacsiga
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    ‪Masuuliin Soomaali iyo Masaari ah ayaa isla gaaray Heshiis is-af garad ah oo lagu dhisayo shirkad ay leeyihiin Soomaalida iyo Masaarida taasoo masuul ka noqoneysa is-kaashiga Ganacsiga labada dal.

    Masar

    Heshiishka dhinaca Soomaaliya waxaa u saxiixay Masuuliin Soomaaliyeed oo uu horkacayay Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifaax Xasan Afrax. Shirkaddaan ay leeyihiin Masaarida iyo Soomaalida oo loogu magac daray Shirkadda Soomaalida iyo Masaarida ee hormarinta iyo Ganacsiga ayaa Fududeyneysa waxyaabaha laga soo dhoofinayo Soomaaliya sida Xoolaha nool, kaluunka iyo waliba miraha macaan sida Muuska.

    Heshiiska ay kala saxiixdeen labada dhinac ayaa hoosta ka xariiqaya in Shirkaddaan masuul ay ka noqoto waxyaaha Masar ay u iib-geyneyso Soomaaliya sida Daawada, raashinka iyo Qalabka Dhismaha.

    Cabdifataax xasan Afrax Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo aan kula kulmay Magaalada Qaahira ayaan wax ka weydiiyay waxyaabaha labada dhinac ay ku heshiiyeen, waxa uuna ii sheegay in heshiishka is-afgaradka ee labada dhinac ay gaareen uu yahay mid aad u balaaran oo dowladaha Masar iyo Somalia ay isaga kaashanayaan dhinacyada Ganacsiga iyo beeraha.

    Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa ii xaqiijiyay in Bil kasta Soomaaliya laga soo dhoofin doono xoolo gaaraya 75 kun oo neef oo isugu jira Geela, Ariga iyo Lo’ada. Talaabadaan ayaa noqoneysa markii ugu horeysay oo suuq fiican loo helo Xoolaha nool ee Soomaaliya dalkani Masar 25 sano ka dib,

    Sanadaihii ugu dambeeyay ganacsato Suudaan ah ayaa xoolaha Soomaali u iib keeni jirtay dalka Masar. Dowladda Masar ayaa 25-kii sano ee ugu dambeysay hilibka xoolaha ka soo iibsan jirtay dalal ku yaala Laatiin America sida Dalka Brazil.

    Shirkaddaan Soomaalida iyo Masaarida ay ku mideysan yihiin ayaa Fursad u siineysa Soomaalida in Suuq fiican ay u helaan Xoolaha nool iyo waliba Dalagyada ka soo go’a beeraha Soomaaliya.

    Lama oga qaabka Guddoomiye Gobol heshiis ugu geli karo magaca dowladda Soomaaliya, waxaa kaloo hore u dhacday in wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka ay heshiis kan oo kale ah la saxiixdeen Masar, iyagoo aanay muuqan baahi keentay in gobol kasta uu heshiis la saxiixdo dowlad ama shirka ka dhisan dal kale.

    Weriye: Hussein Saxnuuni/Wadani

    [ad name=”HTML-7″]

    Heshiis Hiiraan iyo Masar
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleBetter future for Somalia must remain collective priority, Ban says at high-level meeting
    Next Article Dhageyso wareysi murugo leh: Hooyo dalbaneysa in la siiyo meydka wiilkeeda oo ku xayiran Sweden

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo