Cali Daahir Xeroow [Cali Kuluc] oo ahaa madixii warfaafinta gobolka Hiiraaan ayaa xabsiga laga sii daayay maanta kadib markii uu muddo afar maalmood ah xirnaa.
Xariga Cali Kulul ayaa ka danbeeyay markii looga yeeray xaunta ciidamada Gobolka, kadibna xabsiga la dhigay, iyadoo amarka lagu xiray uu bixiyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed.
Sii deynta ayaa ku timid dadaal ay u galeen odayaal iyo waxgarad xaalada soo dhex galay, waxaana sababta loo xiray lagu sheegay khilaaf shaqsi uu ka dahceeyay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo weriye Cali Kuluc.
Ma jirin wax dacwad ah oo lagu soo oogay iyo Maxkamad la horgeeyay midna ee waxay wararku sheegayan in si xeerjajab ah loo sii daayay.
Wadani.com