Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Hirshabelle»Guddoomiyaha & Golaha Guurtida Warshiikh oo eedeyn kulul u jeediyay Hay’adda ICRC

    Guddoomiyaha & Golaha Guurtida Warshiikh oo eedeyn kulul u jeediyay Hay’adda ICRC

    August 29, 20173 Mins Read Hirshabelle
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email
    Kulan ay shalay xubnaha golaha guurtida ee degmada Warshiikh ku yeesheen xarunta degmadaasi ayay ku eedeeyeen Hay’adda ICRC.

    ICRC ayaa lagu eedeeyay iney ku xadgudubtay qodobo ka mid ah xeerka xalinta Khilaafaadka ee Golaha guurtida degmada Warshiikh, kaasi oo si cad u sheegaya in hay’addii lagu helo iney wado howlo dhibaato u keenaya bulshada iyo deegaanada degmada in digniin la siin doono, islamarkaana haddii ay mar labaad ku kacdo laga joojinayo shaqadooda, sida iney keenaan cunto dhacday iyo iney abuuraan khilaaf siyaasadeed.
    Golaha guurtidu ee degmada Warshiikh, waxa ay ku eedeeyeen wakiilka ICRC ee  gobalka Sh/Dhexe, Nuur Maxamed Cali (Nuur Doob) inuu deegaano ka tirsan degmadaasi uu ka wado olole uu ku doonayo inuu isaga hor keeno dadka shacabka  ee wallaalaha ah, kadib markii la eegay sida uu u maareeyay gargaar uu sheegay inuu u keenayo deegaano hoos yimaada degmada Warshiikh, isagoo aan kala tashan maamulka iyo odayaasha degmadda halka ay ku haboon tahay in la geeyo gargaarkaasi ee ay ku sugan yihiin barakacayaasha u dhibaateysan, taasoo ay sheegeen iney keeni karto khalalaase iyo colaad aaney horey dadka degmada Warshiikh uga baran ICRC, waxeyna xuseen in Wakiilka ICRC uu ku xadgudbay qodobka 16-aad, farqadiisa 14-aad ee xeerka xalinta khilaafaadka degmada Warshiikh, qodobadaasi oo si cad u qeexaya xaquuqda ay leeyihiin hay’addaha samafalka iyo xaquuqda lagu leeyahay.
    Golaha Guurtida degmada Warshiikh ayaa usoo jeediyeen madaxda hay’adda ICRC, iney jawaab cad ka bixiyaan falalka uu wakiilkooda Gobalka Sh/Dhexe, Nuur Doob uu isaga horkeenayo dadka deegaanada degamadaasi, islamarkaana uu ku abuurayo colaad iyo xasilooni daro aan ka jirin guud ahaan degmada Warshiikh, sida ay saxaafadda u sheegeen, Guddoomiyaha Golaha Guurtida ee Degmada Warshiikh, Muude Cumar Maxamed iyo Maxamed Xuseen Maxamuud (Qaloori) oo ka tirsan guddiga fulinta ee Golahaasi oo sharaxaad ka bixinayay go’aanka golaha guurtida.
    Dhinaca kalena, Guddoomiyaha Degmadda Warshiikh, Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) ayaa sheegay inuu ayidsan yahay go’aanka golaha guurtida, isagoo maanta saxaafadda kula hadlay xarunta degmadaasi  “Gurmadka gar-gaar ee ICRC aad ayaanu ugu baahi qabnaa, balse Wakiilkooda Gobalkan, Nuur Maxamed Cali (Nuur Doob) waxa uu ka weecday hadafka ICRC ee aheyd dhexdhexaadnimo, wuxuuna dhegaha ka fureystay go’aankii ay u soo jeediyeen golaha guurtida iyo maamulka degmada, isagoo ku adkeysanaya go’aankiisa ah in sida uu doono uu ka yeelayo gargaarka ICRC,  sidoo kalena uu ku hanjabay inuu gargaarkaasi u weecin doono degmooyin kale haddii tiisa laga horyimaado ” ayuu yiri Guddoomiyaha Warshiikh, Axmed Xuseen Shiidka.
    “Sidoo kalena,  waxa uu wakiilka ICRC u barareeray inuu iska horkeeno dadka shacabka ee degmada iyo maamulkooda, isagoo u sheegaya in gargaarkii uu soo gaarsiin lahaa uu maamulkoodu is hortaag ku sameynayo, taasoo aan aheyn mid looga bartay hay’adda ICRC, balse uu Nuur Doob ku qarinayo ujeedooyinkiisa siyaasadeed ee guracan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha Warshiikh.
    Ugu dambeyntiina, Wuxuu Guddoomiyaha Degmadda Warshiikh, Axmed Xuseen Shiidka uu  ka codsaday Madaxda ICRC ee fadhigoodu yahay Muqdisho-Nairobi-Geneva iney degmada Warshiikh usoo dirsadaan wafdi xaqiiqo raadis ah oo arrintan faragelin ku sameeya, islamarkaana indhahooda ku arka waxyaabaha uu ku kacayo wakilkooda Gobalka Sh/Dhexe, Nuur Maxamed Cali (Nuur Doob).
    ICRC Warsheekh
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKuuriyada Waqooyi oo Gantaal cabsi weyn dhaliyay dul marisay Dalka Japan
    Next Article Soomaaliya: Maxaa Looga Hadli La’yahay Mareykanka iyo Duqeynta Rayidka?!

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo