
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax ayaa ka hor yimid Guddiga Farsamada maamul u sameynta Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan oo shalay ay magacawday wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka kadib wareegto uu soo saaray Wasiirka C/raxmaan Odowaa. (AKHRI WAREEGTADA)
Qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa lagu sheegay inuusan waxba ka ogeyn magacaabidda guddiga farsamada, isla markaana aan lagala tashan, wuxuuna intaas ku daray in arrintaasi ay xaaladda uga sii dareyso oo shaki gelin karto maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.
Guddoomiyaha Hiiraan wuxuu sheegay in sida ku qoran wareegtada arrimaha gudaha aan isaga wax la-tashi ah lagala sameyn isaga oo ka mida saxiixayaasha heshiiskii maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe isagoo ugu baaqay in laga noqdo tallaabadaasi.
Dhinaca kale beelo kala duwan ayaa ka hor yimid magacaabidda Guddiga Farsamada ee maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyagoo wasiir Odowaa ku eedeeyay inuu si xaq darro ah u dhisay Guddigaasi oo tiro ahaan la yareeyay isla markaana lagu takri falay.
Waxaa iska soo daba dhacaya diidmada Guddiga farsamada ee wasiirka arrimaha gudaha u magacaabay maamul u sameynta labada gobol, waxaana la filayaa beelo hor leh inay ka hor yimaadaan.
Wadani.com