Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Guddoomiyaha Xisbiga Himilo: “Sidii Cumar Albashiir-kii Suudaan ayaa la isaga tuuri karaa dowladda -Farmaajo-“

    Guddoomiyaha Xisbiga Himilo: “Sidii Cumar Albashiir-kii Suudaan ayaa la isaga tuuri karaa dowladda -Farmaajo-“

    November 13, 2019Updated:November 13, 20192 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran Xildhibaan Suleymaan Maxamuud Xaashi ayaa faahfaahin ka bixiyey safarkoodii caqabadaha la kulmay iyo hadal kasoo yeeray Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo dood weyn dhaliyey.

    Wuxuu sheegay in safarkoodii magaalada Beledweyne ee xayiraadda la kulmay ay sabab u ahayd iyadoo ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Kheyre uu doonayey inuu tago magaalada Beledweyne, sidaasina halis loo geliyey naftooda, oo lagu doonayey in diyaaradaasi uu shidaalka ka dhammaado, kadibna dadka saaran lagu waayo; taasoo ahayd kutalagal ay ka dambeysay laanta fulinta dowladda Soomaaliya.

    Isagoo u warramay Universal TV ayaa la weydiiyay hadalkii kasoo yeeray Shariif Sheekh Axmed ee uu ku dhaartay inuu dalka ka saarayo dowladda hadda jirta, ayuu sheegay inay nasiin darro tahay in yar oo ka mida laga soo qaato oo la buunbuuniyo

    “Nin waliba meeshii uu daneynayey ayuu uga faa’iideystay. Qof diyaarad laga ridi gaaray ama dad la halaagi gaaray ayaa hadal nagu yiri.. waa mas’uuliyadda darro iyo ixtiraam darro.. waana boor isku qaris khudbad dheer oo meelo badan ka hadleysay laga soo qaato kalmad yar..” ayuu yiri guddoomiyaha Xisbiga Himilo oo sheegay in ujeedo qaloocan laga leeyahay hadalka.

    “Waxaa lasoo qaatay Itoobiyaan.. Mooryaantii iyo Alshabaab oo dalka laga saaray.. dowladda xoog kuma imaan waxayse dowladda kooxdaasi ka shabaheysaa markii ay awood iyo ciidan adeegsadaan oo ay ka tagaan sharcigii lagu xaq dhowrayey, waxayna la mid noqonayaan kuwii sharci darrada ku dhaqmayey ee dagaal-oogayaasha, shabaabka iyo Itoobiyaanka… inta ay sharciga dhowrayaan waa dowlad la wada leeyahay..” ayuu yiri Guddoomiyaha Xisbiga Himilo oo ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay kharash badan ku bixisay qaloocinta hadallada iyo dad ay u adeegsato.

    Wuxuu sheegay in dowladda aan ku dhaqmin sharciga ay dadka iska tuuri karaan iyagoo adeegsanaya qabaab kala duwan, sida kacdoonkii dalka Suudaan ee xukunka looga tuuray Cumar Albashiir, iyadoo sidoo kale uu tilmaamay in loo mari karo Baarlamaanka iyo halgan hubeysan.

    “Yeey isku reer yihiin oo lacag la siiyaa si uu uga daba hadlo (SHEEKH SHARIIF)… dad ka shaqeynaya miyaa qabiil ka shaqeynaya.. mise qof aan lagu aqoon qabiil ee xuquuqdiisa u doodaya..?” ayuu yiri guddoomiyaha Xisbiga Himilo.

    HOOS KA DAAWO

    Farmaajo Himilo Qaran Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGaadiid lagu leexsaday Raashin Gargaar ah oo lagu qabtay magaalada Beledweyne & Dad loo xiray
    Next Article Dil ka dhacay Magaalada Muqdisho & Dabley looga shakisan yahay Alshabab oo la qabtay…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo