Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Guddoomiyaha Yaaqshiid: “Waxaan ka badbaaday isku day Dil oo la igu khaarajin lahaa”.

    Guddoomiyaha Yaaqshiid: “Waxaan ka badbaaday isku day Dil oo la igu khaarajin lahaa”.

    February 28, 2023Updated:February 28, 20232 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Alxamdulilaah Calaa Kuli Xaal

    Waxaan xalay ka badbaaday isku day dil oo la doonaayey in la igu qaarajiyo.

    Xalay Maqribkii kadib ayaan ka soo baxay isbitaalka Jasiira oo aan ku booqanay ciyaariyahan Degamada Yaaqshiid kamid ah oo ku dhaawacmay ciyaartii shalay galab ka dhacday Muqdisho Stadium (Isbartiibo), waxaan soo aadnay dhanka siinaay, waxaana istaagnay kontaroolka isgoyska siinaay si na loo hubiyo.

    Waxaa noo yimid oo albaabka gaariga laga furay askari koontaroolka joogay oo hubiyay kaarkeyga iyo inaan aniga saaranahay gaariga, intaas kadib askariga ayaa nagu dhahay taliyaha Nisa ee kontaroolka ayan u sheegaahe ii suga, wax yar markuu naga maqan yahay askariga, ayaan dareewalkeyga ku dhahay sxb bal u tag ragga, dareewalka ayaana baxay iyadoo uu albaabka gaariga furanyahay wuxuuna u tagay taliyaha iyo ciidankiisa oo xoogaa inoo jiray markuu soo laabtay balse uusan na soo gaarin ayaan halmar maqalnay jug culus iyo firir dhiig naga wada dhigay, xabado iyo qoriga dhashiikaha oo si darandoori ah u dhacaya, yar shirka saarnaay ayaa degdeg irida u xiray waxaana muddo nagu socday saban iyo dhashiike darandoori ah, hal mar ayey i suurtogashay inaan albaabka dambe furo si aan xaalka u qiimeeyo halkii marna xabado kale ayaa noo soo galay gudaha balse dhowr mar oo aan isku dayey inan gaariga ka dago waxaa i celiyay saxibadey oo iga dhaawac cuslaa, Alle ka sakow iyagaa ku mahadsan.

    Intaas kadib Ciidamada kontaroolka waxey si bareer ah u toogteen laba askarteyda kamid ah oo is dhiibay intii ay xabadu nagu socotay. Waxey isku dayeen iney daaqada gaarigeyga xoog ku furaan si ay noo waxyeeleeyaan. Waxeyna afarta dhinac u ridaayeen qoriga sabanka (RPG) oo markii dambe sababay gubashada gaadiid shacab oo marayey dhanka kale ee isgoyska siinaay (Yaaqshiid & Warta Nabada).

    Dadkii ku geeriyooday weerarkaas gardarada ah waxey ku jiraan filinjiyeer mana la aasi doono ilaa iyo inta ay cadaalada ka helayaan.

    Waxaan ehalka asxaabta iyo dhamaan dadka somaliyeed uga tacsiyeynayaa dhimashada iyo dhaawac ka dhashay weerarkii arxan darada ahaa oo ay igu bartilmaameedsadeen ciidamo fadhiyay isgoyska Siinaay, anaga oo taagan kontaroolka una hogaansannay nidaamka hubinta amniga.

    Waxaan u duceynayaa oo aan caafimaad taam ah u rajeynayaa dhamaan dadkii ku waxyeeloobay weerarkii shirqoolka ahaa iyo saaxiibadii ila dhaawacmay. Sidoo kale Allah u naxariisto wiilasha iga shahiiday & shacabkii sida dulmiga ah loo xasuuqay.

    Allaa Mahad leh.

    W/Q: Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid
    Suleymaan Maxamuud Fargax

    Guddoomiyaha Yaaqshiid Qormo Top Yaaqshiid
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDuqeyn lagu dilay Horjoogayaashii ugu badnaa ee Alshabaab u qaabilsan Gobolka Hiiraan
    Next Article Ciyaal weeradii ugu badnaa oo lagu dilay xaafado ka mida Muqdisho iyo Alshabab oo kordhisay..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo