Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa goor dhoweyd gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG u ah Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweeyay Madax ka tirsan Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya, wuxuuna socdaalkiisa ku saabsan yahay ka qeybgalka xaflada caleemo saarka guddoonka cusub ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
C/qaadir Shariif Sheekh-una Maye iyo ku xigeenkiisa ayaa maanta lagu caleemo saarayaa magaalada Bayadhaba, waxaa sidoo kale gaaray Wafdi kale oo ka socda Maamulada Galmudug iyo Jubbaland si ay uga qeyb galaan Xaflada Caleemasaarka C/qaadir Shariif Sheekh-una Maye.
Xaflada oo ka dhacaysa garonka diyaaradaha magaalada Baydbaba ayaa si weyn loo adkeeyay ammaanka, waxaana magaalada ku qulqulaya madaxda ka socota dowladda Federaalka iyo maamulada dalka ka jira.
Wadani.com