Godoomiya Gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo maanta ka qeyb galay xalfad soo dhoweyn ah oo loo sameeyay taliye ku xigeenka cusub ee Ciidamada Booliska Cismaan C/llaahi Kaniif oo uu dhowaan magacaabay Madaxweyne Farmaajo.
Cumar Filish ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya ay xilalka dowladda u magacaabayaan dad uu ku tilmaamay inay ciyaalka xaafadda yihiin, wuxuuna sheegay inuu rajo weyn ka qabo inay ka duwanaan doonaan dadkii hore xilalka loogu magacaabi jiray.
- Madaxweyne Farmaajo oo Taliye ku xigeen cusub u magacabay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed [Wareegto]
“Xilalka Dowladda waxaa loo salaxay Ciyaalka Xaafadda, waxaan rajeynayaa doorkoodu inuu noqon doono mid ka duwan kuwii ka horeeyay, waxqabadkooduna muuqan doono… Cismaan C/llaahi, Jen, Xijaar, Gen. Bashiir Maxamed Jaamac iyo Wasiirka Amniga waxaan isla nahay ciyaalka xaafadda..” ayuu yiri Guddoomiyaha G/Banaadir oo hadalladiisu ay kaftan ka muuqdeen.