Guddiga Doorashada Heer Federaal FEIT ayaa goor dhoweyd doortay guddoomiye cusub, kadib xil ka qaadistii guddoomiyihii hore.
Muuse Geelle Yuusuf ayaa loo doortay Gudoomiyaha cusub ee Guddiga Doorashooyinka Dadban, ee heer federaal, kadib doorasho adag oo ka dhacay xarunta Afisyoone ee magaalada Muqdisho.
Muuse Geelle ayaa helay 14 cod, halka C/raxiin C/casiis Aadam oo la tartamayay uu helay 11 cod.
Guddoomiyaha cusub Muuse Geelle Yuusuf ayaa kasoo jeeda Puntland, wuxuuna hore u soo noqday guddoomiyihii KMG ahaa ee Guddigan, markii uu noqday qofka ugu da’da weyn.
Ololaha Doorashadiisa waxaa iska kaashaday Ra’iisal wasaare Rooble, Puntland iyo Jubbaland, waxaana sidoo kale taageersanaa Mucaraadka ,iyadoo ay noqoneyso guul kale oo garabkaas usoo hoyatay.
