Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkii looga qaaday guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo Duqii magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), waxaana la magacaabay mas’uul cusub.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho ayaa loo magacaabay Maxamed Axmed Amiir. Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Talaado, 10-ka Diseembar, 2024.”
Haddana waa kuma Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho?
Maxamed Axmed Amiir, ma aha nin siyaasadda lagu yaqaan. Wuxuu ku dhashay Magaalada Muqdisho, waxaanu waxbarshadiisa hoose ilaa heer jaamaceed ku qaatay Magaalada Muqdisho.
Jaamacadaha caalamka qaarkood ayuu wax ka bartay waxaanu shahaadooyin kala duwan ka haystaa Culuumta Islaamka, Diblomaasiyadda iyo Siyaasadda, Maamulka iyo Maareynta oo uu ka qaatay Jaamacadaha SOAS, University of London, Dugsiga Dhaqaalaha ee Jaamacadda Moosko,Jaamacadda Yale iyo Universiteit Leiden ee Holland.
Maxamed Amiir waxaa uu leeyahay khibrad dhanka Maamulka iyo Maareynta, aminiga iyo siyaasadda ah, Waxaa uu ka soo shaqeeyey wasaaradda Maaliyadda muddo laba jeer 1986-1990 iyo markale oo uu ka noqday khabiir la taliye sare ah ee hagaajinta maamulka maaliyadda iyo fadhisinta hannaanka dowlad wanagga 2010 ilaa 2012.
Duqqa Cusub ee Muqdisho Sidoo kale wuxuu ka soo shaqeeyey Barnaamijka MIDA/TIS ee ay maalgelineysay dowladda Mareykanka hay’addeeda kaalmada dibadda ee USAID, laguna taageerayey dowladda Soomaaliya.
Mudane Amiir waxaa in muddo ahba ku noolaa Dalka Ingriiska oo uu ku lahaa Xafiis kala talaiya hay’adaha gaarka ah dhinaca kordhinta dakhliga iyo hagaajinta maamulka iyo maareynta.
Sidoo kale, guddoomiyaha cusub waxaa uu leeyahay waayo-aragnimo dhicana la talinta shirkadaha ah iyo madaxda dalka waxaanu la taliye u soo noqday Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo uu kala talinayey hay’addii uu Golaha Ammaanka abuuray ee (Somali-Erateriya Monitoring Group) Sidoo kale waxaa uu la taliye u noqday USAID.