Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Guddoomiye Degmo ka tirsan Muqdisho oo Dadka kusoo rogay diiwaangelin Lacag looga qaadayo (Akhriso)

    Guddoomiye Degmo ka tirsan Muqdisho oo Dadka kusoo rogay diiwaangelin Lacag looga qaadayo (Akhriso)

    August 4, 2021Updated:August 5, 20212 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maamulka degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir oo uu guddoomiyaha ka yahay Guhaad Sheekh Xasan ayaa dadka ku nool degmadaasi ku soo rogay diiwaangelin lacag looga qaadayo oo qasab looga dhigay.

    Dadka degan xaafadaha degmada Dharkeynley ayaa maalmihii ugu danbeeyay ka cabanayey ciidamo guryaha uga yimaada, kuwaasoo u keenay waraaqo amar ah inay muddo 24 saacadod ah ku tagaan xarunta degmada, haddii kalena ay wajihi doonaan xarig iyo ganaax, iyadoo loo sheegay inay Hay’adda NISA diiwaan gelineyso Dadka iyo Guryaha.

    Dadkii tegay xarunta degmada ayaa lagu armay inay lacag gaareysa $15 ku shubaan lambar telefoon oo xafiiska degmada ku dhex yaalla, kadibna laga qoray macluumaad ku saabsan Guryaha ay degan yihiin iyo dadka ku nool, iyadoo qofkii Guriga degan haddii uu kireyste yahay laga rabo inuu keeno qofkii lahaa lagana qaadayo mid waliba $15.

    Diiwaangelintan oo u muuqata mid u gaara degmada Dharkeynley ayaa ah tii labaad muddo 4 ilaa 5 sano gudahood dadka degmadaasi degan lacago looga qaato, iyadoo awood loo adeegsanayo, lana aan la siin warqad cadeyn lacag qabasho ah, waxaana dadku ku qabsan yihiin inay lacagtaasi aan la ogeyn cidda qaadata ay bixiyaan, haddii kalena guryaha laga ururiyo haweenka joofa oo la xiro, si loogu qasbo bixinta lacagtaasi.

    Warqadda diiwaan gelinta ee degmada Dharkeynley u gaarka ah ayaan lahayn tiro ama lambar diiwaangelin oo isku xigta, sidoo kale ma jiro cid ku saxiixan oo mas’uul ah (Hoos ka daawo), waxaana dadka sawirro looga qaadayaa Mobile-yo ay wataan shaqaalaha Xafiiska Diiwaangelinta.

    Maamulka Gobolka Banaadir oo hore u joojiyey in degmooyinka Gobolka Banaadir ay ka qaadaan lacago sharci darro ah ayaa u muuqda inuusan la socon howsha ay wadaan guddoomiyaha iyo maamulka degmada Dharkeynley oo dadka degan ay u arkaan inay baad ka qaadanayaan.

    Dadka aa heysan lacagaha diiwaangelinta ee laga rabo ayaa si gaara arrintooda loo eegayaa, iyadoo qaarkood ay codsadaan in laga qaado $10, halka qaar kale dib loogu dhigayo bixinta lacagta is-diiwaangelinta.

    Dharkeynley waxay caan ku tahay in dadka degan laga qaado canshuuraha Guryaha iyadoo aanu sanad kasoo wareegin canshuurtii sanadka hore, waxaana u wehliya maamul kasta markii uu muddo joogaba inuu la yimaado farsamooyin ay dadka lacago uga qaataan.

    Degmada Dharkeynley Diiwaangelin Gobolka Banaadir Muqdisho Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSiyaasiyiinta Dirta Waqooyi oo shaaciyey in RW Rooble ka baxay heshiiskii la gaaray iyo Wadahadalkii..
    Next Article XOG: Madaxweyne Qoorqoor oo culeys weyn kasoo wajahay Musharixiinta Aqalka Sare

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo