Maxamed Cabdullaahi Nuur oo ahaa guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida ee dalka Tanzania ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan jagada madaxweynaha Soomaaliya sanadka 2016.
Isagoo war ka soo saaray musharaxnimadiisa ayaa musharaxan ku cusub siyaasadda wuxuu sheegay khibrad muddo dheer u leh u leeyahay arrimaha shirkadaha ganacsiga gaarka ah iyo ganacsiga caalamiga ah labadaba taasoo uu kusoo dhex jiray muddo ka badan 20 sano.
Wuxuu sheegay in qrrshe-hawleedkiisa xilka madaxweyne ay ka mid tahya xaqiijinta isbaddal ka hana-qaada dalkeenna.
Musharixiinta xilka madaxweynaha Soomalaiya ayaa lagu wadaan inay bilaha soo socda gaarto tiro aan hore loo arag, iyadoo dad badan ay hami ka qabaan inay xilkaasi heli karaan.
Wadani.com