Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar ka mida madaxda Baarlamaannada Maamul Goboleedyadda ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka degay garoonka Baydhaba waxaana, kadib halkaasi gaaray Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada mGalmudug, Puntland iyo Hirshabeelle oo Magaalada Baydhabo uga qeyb galaan Shirka Baarlamaanka Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedayda uga furmaya.
Waxaa lagu waddaa sidoo kale in Magaalada Baydhabo ay gaaraan madaxda Baarlamaanka Jubaland. Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay , waxaana lagu waddaa in Shirkaasi uu dhaco maalmaha soo socda.
Wararka ayaa sheegaya in shirkan oo aqalka sare hore uga hor yimid, lagu dhisi doono adal ay ku mideysan yihiin Guddoonada Baarlamaanada maamul goboleedyada iyo golaha shacabka Federaalka.