Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo hadda haya xilka kusimaha Madaxweynaha dalka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa diiday inuu qaabilo xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii uu soo baxay xeerkii Madaxweyne ee Baarlamaanka looga wareejiyay inuu go’aan ka gaaro heshiiska doorashada 2016.
Prof. Jawaari oo shirkii Baarlamaanka ee Khamiistii hore hakiyay, una sheegay xildhibaanada inay waqti laba maalmood ah siiyaan madaxda Madasha Qaran oo wadatashi ka leh arrinta qaabka Doorashada ayaa ku eedeysan inuu marin habaabiyay Baarlamaanka.
Xildhibaano fara badan oo doonayay inay arkaan Guddoomiye Jawaari ayaa albaabada laga xirtay, loona sheegay inaysan jirin cid uu qaabilayo kusimaha Madaxweynaha, waxaana ugu darnaa xildhibaanada ka soo jeeda Beesha Prof. Jawaari oo si weyn uga horjeeda tallaabada madaxweyne Xasan Sheekh.
Wadani.com