Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof .Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa la filayaa inuu soo xiro wejiga labaad ee shirka maamul u sameynta gobolada dhexe, kana socday magaalada Cadaado iyadoo isla markaaba la furi doono wejiga saddexaad ee ugu danbeeya shirkaasi.
Wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa berito tegaya magaalada Cadaado, waxayna wararku sheegayaan inay wafdiga ka mid yihiin xildhibaanno iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada. Prof. Jawaari ayaa lagu marti qaaday inuu furo kulanka ugu horeeya ee ay isugu imaan doonaan baarlamaanka maamulka cusub ee GALMUDUG iyadoo tani noqoneyso markii ugu horeysay ee guddoomiyaha Baarlamaanka ku lug yeesho howlaha dhismaha maamul Goboleedyada KMG ah.
Dhowaan ayaa la soo xulay inta badan xildhibaanada wakiilada ah ee gobolada dhexe, iyadoo guddiga farsamada uu shaaciyay in ka badan 90% xildhibaanadaasi. Wejiga saddexaad ee shirka ayaa Baarlamaanka cusub ee maamulka GALMUDUG wuxuu dooran doonaa guddoon, kadibna waxaa la guda geli doonaa doorashada madaxweynaha maamulkan.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]