Guddoomiyaha barlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in maalinta berito ah ee 7-da Oktoobar uu furmi doono wadaxajood lagu xalinayo qodabadii ku xusnaa Mooshinkii xubno ka tirsan baarlamaanka ay ka keeneen Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud 12-ka August ee sanadkan, kaasoo weji wadahadal u gudbay.

Prof. Jawaari ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay mid muhiim ah isla markaana looga bahan yahay Xildhibaanadii keenay mooshinkaasi inay ka soo qayb galaan, si looga xaajoodo arrimaha mooshinka iyo qodobada ku xusan.
“Waxaan guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed la wadaagayaa in maalinta beri ah oo ay tariiqdu ku began tahay 7 bisha Oktoobar uu magalaada Muqdisho ka furmi doono shirka lagu dhamaynayo, isla markaana looga wada hadlayo qobadadii ku xusnaa mooshinkii Madaxwayanaha ay ka keeneen xubno ka tirsan golaha shacabak Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqayaa Mudanayaasha Baarlamaanka ee keenay mooshinka inay kasoo qayb galaan shirka oo furmi doona 11:00 barqonimo xilliga magaaladda Muqdisho”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.
Dhinaca kale Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa magalaada Muqdisho kulan gaar ah oo saacado qaatay kula yeeshay ergeyga Dowladda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. David, iyadoo ay uga wada hadleen adkaynta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal iyo xaalada Baarlamaanka Soomaaliya.
Xubnaha hormuudka u ah Mooshinkii la laalay ee laga keenay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hore u diiday inay ka qeyb galaan kulanak wada-xaajoodka ee Jawaari ku baaqay, waxayna ku eedeeyay go’aankii uu Mooshinka ku soo afjaray, laakin warar xogogaal ah ayaa sheegaya in qaar badan oo ka mida xildhibaanadaasi ay guddoomiyaha ku wargeliyeen inay diyaar u yihiin ka qeybgalka wadahadalka, tani oo keentay inuu guddoomiyaha Baarlamaanka ku adkeysto qabashada wadahadalka Mooshinka.
Wadani.com
[ad name=”HTML”]