Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ku guuldareystay inuu kala dhex galo dhinacyada khilaafka u dhaxeeyay.
Wuxuu caddeeyay in maalinkii uu baajinayay kulankii Sabtida uu qabsaday muddo 10 cisho ah in lagu xalinayo khilaafka, balse aanay arrintaas waxba ka suura gelin.
Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in meeshii uu ka sugayay Madaxweynaha soo jeedin odaytinimo iyo wixii sharci la raaco iyo in la isugu keeno labada dhinac uu ku guuldareystay, isla markaana isaga uu ku yiri is casil, taasna ay tahay wax aan la aqbali karin.
Sidoo kale wuxuu dhaliilay Xukumadda hadda jirta Wuxuuna sheegay in Xukuumadda ay howsheeda gabtay, isla markaana iyada loo baahan yahay in ay is casisho, waxaana uu intaa ku daray in qalalaase badan ay abuureen, kuna kaceen falal aan fiicneyn, sida inay ku talax tageen xormadii Baarlamaanka sida uu hadalka u dhigay mr.Jawaari.
“Waa qariib in Xukuumadda ay dhahdo lama shaqeyn karno Guddoonka Baarlamaanka, inaan ayaga u shaqeeyo miyay rabaan, waxaa rabaa inaan qeexo arrin dastuuri ah anaga uma joogno inaan u shaqeyno Xukuumadda, wada shaqeyn ayaa naga dhaxeyso, aniga is casili maayo, iyada ha is casisho” ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.
Jawaari ayaa sharci darro ku tilmaamay kulanka maalinta berri uu iclaamiyay Guddoomiye kuxigeenka 1aad Cabdiweli Muudey, isagoo ka digay wixii cawaaqib xumo ee ka dhashaa uu mas’uuliyadeeda qaadayo Madaxweyne Farmaajo.
Gudoomiye Jawaari ayaa si aan gabasho la heyn u sheehay in Madaxweynaha uu dhinac la jiro, isla markaana kulanka berri la qaban qaabinayo uu isaga fasaxay sida uu hadalka u dhigay Jawaari.