Wararka laga helayo xarunta maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegaya inay lasoo gabagabeeyay magacaabista guddoomiye ku xigeenada gobolka Banaadir.
Isbedelka saddexda guddoomiye ku xigeen ee gobolka Banaadir ayaa socday muddo laba toddobaad ah, waxaana culeys weyn ka yimid beelaha ay kasoo jeedaan guddoomiye ku xigeenada.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay xilkii laga qaaday guddoomiye ku xigeenadii hore iyadoo la magacaabay kuwo cusub oo midkood ay haweeney tahay, waxaana la sugayaa in lagu dhawaaqo saacadaha soo socda.
Beesha uu kasoo jeedo guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye ayaa muranka ugu weyn ka taagnaa, markii la isku dayay in jufo aan ahayn tan uu kasoo jeedo wiilka Nabadoon Axmed Diiriye loo qoondeeyay xilkan.
Guddoomiye kuxigeenadii hore ee Iimaan Nuur Iikar, Maxamed Axmed Diiriye iyo Ismaaciil Cabdi Guure ayaa gebi ahaantood faarujinaya xilalka, waxaana u xayiran isbedello uu sameyn lahaa guddoomiyaha cusub oo lala sugayo guddoomiye ku xigeenada cusub.
Kadib magcaabidda Guddoomiye ku xigeenada ayaa la sheegay in isku shaandheyn lagu sameyn doono guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.
Wadani.com