Waxaa goor dhow lagu dhawaaqay guddoomiye ku xigeenada cusub iyo xoghayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa Magacaabay Guddoomiye ku xigeennadiisa iyo xog-hayaha Gobolka Banaadir, kadib markii laba toddobaad uu xilkan la wareegay.
Guddoomiye kuxigeenada iyo Xoghayaha Guud ee loo magacaabay maamulka G/Banaadir waxay kala yihiin:
1- Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Siyaasada iyo Amniga waxaa loo Magacaabay: Mudane Saalax Sheekh Maxamed
2- Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Maamulka iyo Maaliyadda waxaa lo magacaabay Muluuka Dheere Sheekh C/qaadir.
3- Gudoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Arimaha Bulshadda waxaa lo magacaabay: Mudane C/llaahi Cimi Ereg.
4- Gudoomiye Ku xigeenka afraad ee Howlaha Guud waxaa loo magacaabay: Aadan Sheekh Cali Fiidow
5- Xoghayaha Guud ee Maamulka G/Banaadir waxaa loo magacaabay: Subeyda Maxamed Mukhtaar.
Wadani.com