Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Mooshin xil ka qaadis ka keenay Guddoomiyaha ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Salaad.
Mooshinka ayaa ku eedeeyay Xildhibaan Sacdiga inay ku xadgudubtay Diinta, Shareecada iyo dowladnimada, ayna taageereyso Sharciga Xeerka Jinsiga, waxaana xildhibaannada wada ay doonayaan in cod loo qaado si xilka looga eryo.
Xildhibaan Cumar Shariif Jeeg ayaa saxaafadda u sheegay inay wadaan Mooshin ka dhan ah Guddoomiye xigeenka Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Samatar, isagoo caddeeyay inaysan shir guddoomin karin golaha maadaama ay ku kacday arrin lid ku ah Shareecadda Islaamka, sida uu yiri.
Mooshinkan ayaa la sheegay inay wadaan inta badan xildhibaannadii taageersanaa madaxweynihii hore Maxamd C/llaahi Farmaajo oo colaad siyaasadeed oo gaara kala dhaxeyso Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.
Kulankii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u baaqday kooram la’aan, kadib markii ay soo xaadiri waayeen tiradii kooramka, sida uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow oo guddoomin lahaa shirka maanta.
Waxaa kulanka xaadiray 78 Xildhibaan oo kaliya, halka uu fadhiga ku furmi lahaa 139 xildhibaan. Waxaa kulanka xiga uu dhici doontaa Maalinta Isniinta 12-ka Disembar 2022.