Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee xarunta mamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in guddoomiye ku xigeenkii Gobolka Sh/Dhexe ee dhinaca Amniga Muxumad Sugaal Cismaan lagu dilay qarax ka dhacay Gurigiisa.
Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegayay in qaraxu ahaa Bambo lagu tuuray Guriga, laakiin waxaa wararkii ugu danbeeyay ay sheegeen in qaraxa loo adeegsaday Miino la geliyey Guriga Guddoomiye ku xigeenka, waxaana qaraxa uu dhaliyey Geerida Muxumad Sugaal Cismaan oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii Amniga maamulka gobolka Sh/dhexe iyo wiil yar oo uu dhalay.
Waxaa guriga Qaraxu ka dhacay tegay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo kan gobolka Sh/dhexe iyo maamulka Hirshabelle, waxaana hore Miino jidka loo geliyey loogu dilay guddoomiye ku xigeenkii labaad ee maamulka gobolka Sh/dhexe.