Monday, May 12, 2025

Guddoomiye ku xigeenkii Degmada Wadajir oo lagu dilay Muqdisho

Koox dabley ah oo hubeysan ayaa maanta subaxnimadii agagaarka suuqa weyn, degaanka Nasteexa ee magaalada Muqdisho ku dishay guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka ee degmada Wadajir, Gobolka Banaadir Cabdifataax Bare Guure iyo labo ka mid ah ilaaladiisa.

wadajir

Kooxda dableysa ah ayaa rasaas xoog leh ku furay gaari Kaarib ah oo uu watay mas’uulkani, waxaana isla goobta ku geeriyooday gaarigaasi iyo dadkii saarnaa. iyadoo markaas kadib ay ciidamada ammaanka iyo kuwa nabadsugidda halkaasi yimaadeen.

Ad

Kooxda dilka geysatay ayaa ka baxsatay goobta wuxuuna dilkan imaanayaa iyadoo ciidamada ammaanka ay howlgallo ka wadeen isla degaankaasi. Wasiirka Amniga Qaranka ayaa dhowaan sheegay inay habacsanaan ka jirto saldhigyada ciidamada ammaanka mar uu booqday qaar ka mida saldhigyda ciidamada, waxaana muuqata in dilka ugaarsiga uu weli ka socdo magaalada.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay khaarijinta mas’uulkani iyadoo sidoo kale ay dilal kala duwan oo khaarijin ah ka dhaceen magaalada Muqidsho.

Goobjooge.com

- Advertisement -

 

[ad name=”HTML”]

 

[ad name=”HTML-6″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON