Guddoomiye ku xigeenkii Guddiga Doorashooyinkii Qaranka ayaa xilka laga qaaday, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Guddoomiyaha Guddiga iyo shan xubnood oo kale oo guddiga ka tirsan.
Qoraalka ayaa lagu eedeeyay guddoomiye ku xigeenka Sayid Cali Sheekh Maxamed inuu isku dayey duminta guddiga, iyo inuu baabi’iyo sumcada iyo magaca Guddiga, waxayna sheegeen inuu ku tuntay sharciga Guddiga, sidaasina xilkii iyo xubinnimadii Guddiga ay uga qaadeen.
Lama oga sharcinimada xil ka qaadista xubin ka mida guddiga Doorashooyinka oo Baaralmaankii hore uu ansixiyey, waxayna arrintan soo shaac bixineysaa khilaaf u dhaxeeya Guddigan.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA