Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugnaa dalka Itoobiya ayaa magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ka sheegay inuusan jiri doonin waqti kordhin loo sameeyo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Wuxuu sheegay in Doorashada Soomaaliya ay ku dhici doonto xilligii loogu talogalay, isla markaana aysan jiri doonin Dib u dhac ku imaan doona doorashada, iyadoo Barlamaanka Soomaaliyana uu guddi u saaray Sharciga Dorashada ilaa bisha Disembar-na lagu ansixin doono.
“Doorashada xiligii loogu talogalay ayey dhici doontaa haddii Alle idmo, wuxu Baarlamaanku hadda gacanta ku haya sharciga doorashada oo Guddii loo magacaabay, waxaana rajeneynayaa bishan Novefmbar in Barlamaanka ka doodo sharcigaas, bisha Diseembar na la ansixiyo sharciga doorashada”, ayuu yiri guddoomiye Mursal oo ay soo xigatay BBC-da.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku adkeystay in muddo xileedka dowladda uu ku qoran yahay Dastuurka, ayna dowladda hadda jirto heysato afar sano, marka afartaas sano ay dhamaatana ay qasab tahay in doorasho la qabto.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Guddoomiya Mursal ay kulan gaara dhowaan ka yeesheen arrimaha Doorashada oo guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada aysan isku waafaqsaneyn.