Guddoomiyaha Baarlamaanka 10-aad ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh ayaa ka hor yimid qaabka maanta loo dhaariyey Wasiirka cusub ee Amniga oo xalay la magacaabay.
Mursal oo qoraal u diray Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu si cad u baal maray kala soocnaanta awoodaha dowladaha, kadib markii uu magcaabay, isla markaana dhaariyey Wasiir, kaasoo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.
Mursal ayaa qoraalkiisa ku bilaabay sida soo socota:
“Waxaan si xushmad iyo qadarin leh kuula socodsiinayaa in ay Golaha Shacabka soo gaartey in Wasiirka magacaaban uu dhaariyey maanta Wasiirka Cadaalada ce Xukuumadaada iyadoon wax ansixin ah laga codsan Golaha Shacabku si waafaqsan Qodobka 69 (d) Iyo 100aad farqadiisa (C) ee Dastuurka Federaalka iyo qodobka 104aad ee kusaabsan dhaar marinta xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka”
Wuxuu si toos ah ula hadlayu Rooble isagoo yiri: “Mudane Ra’iisul Wasaare, si aad ula socoto, dhaarinta xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka lagu hor dhaarinaayo Golaha Shacabka ma aha keliya dhaarmarin ee waxay isgu jirta ansixin iyo dhaarin si xubnaha ay xilalkooda xafiiseed rasmi ahaan u bilaabi karaan. Dhaqan ahaanna haddu kalfadhiga furan yahay Kulanka guud ee Golaha ayaa lagu ansixiyaa laguna dhaariyaa. Haddiise u kalfadhiga Golaha markaa uu xiranyahana waxaa lagu ansixiyaa laguna hor dhaariyaa Guddiga Joogtada oo ka wakiil ah Golaha Shacabka.”
“Hadda sida ay u muuqato, xubin ka mid ah Golaha Fulinta ayaa magacawday, ansaxisay isla markaana dhaarisey isla xubin iyaga ka mid ah, taas oo si cad u baalmarsan kala soocnaanta Xilalka iyo Awoodaha Hay’adaha Dawlada ee Laanta Sharci Dajinta, Laanta Fulinta iyo Laanta Garsoorka iyo qodobada Dastuuriga ah ee aan kor ku soo xusnay. Waxa kale oo xusid mudan inaanu dalka ka jirin firaaq Baarlarnaani ah si waafaqsan Sharci Lr. 30 ce xeeranayo in Baarlamaanka 10aad ee hada joog oo wata awoodihiisa Dasturiga ah u dhamaytiran tahay ay Xilka sii haynayaan inta Baarlamanaan kale lag adooranayo””.
Mudane R/ Wasaare, Waxaan kaa codanayaa in arrimaha aan sare ku oo sheegay si goto dheer uga baaran degto adihoo mudan mudnaan siinaya kala danbeynta nidaamka Dowladeed.
