Guddoomiyaha Baarlamaanka muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Mursal Sheekh ayaa u sheegay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka 10-aad inuu fashilmay heshiiskii Doorashada ee 17-ka Septembar.
Maxamed Mursal ayaa Guddi xildhibaano mucaarad ah oo u tegay intii uusan fashilmin fadhigii maanta u sheegay inuu fashilmay Heshiiskii 17 September ee Doorashada oo lagu heshiin waayey, isla markaana ay Baarlamaanka qasab tahay inuu dalka badbaadiyo isla markaana uu sameeyo Muddo kordhin.
Wararka ayaa sheegaya in qorshaha fashilinta heshiiskii Doorashada 17-ka September ay ka dambeyso Madaxtooyada Soomaaliya, isla markaana la doonayo in Golaha Shacabka la marsiiyo codeyn muddo kordhin ah oo ay ku kala qeybsan yihiin xildhibaannada Golaha Shacabka.
