Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in guddoomiye waaxeed ka tirsan degmada Deyniile ay saaka disay xaakiisa, markii ay Toorrey ku weerartay.
Dilka naxdinta leh ayaa ka dahcay Xaafada Raadeerka ee Degmada Dayniile markii Gudoomiyihii Waaxda Halgan ee degmada Dayniile C/qaadir Fooldibi ay xaaskiisa dil u geysatay; waxaana loo aaneynaa in falkaasi uu ka dhashay Maseyr.
Xaaska dilka geysatay ayaa la sheegay inay marxuum Cabduqaadir Fooldibi si gaadmo ah ugu weerartay Toorey (Mindi) xilli uu ku sugnaa Guriga xaas ay hore u kala tageen oo uu booqnayay caruurrtiis, balse ay si lama filaan ah Mindi u gelisay, isagoo u geeriyooday dhaawac culus oo soo gaaray.